Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin oo haystay dhalashaada wadanka Ruushka ayaa xabsiga wayn ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday maanta xanuun hayay mudo todobaad ka badan .
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maxbuuskan horay ugu xukuntay xabsi gaaraya 15 sano.
Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa horay uga balan qaaday hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi in Daacishta Syria iyo Ciraaq oo kale uu ka sameynayo Soomaaliya sida uu ka hor sheegay maxkamada horteeda ka hor inta uusan geeriyoon.
Xabsiga magaalada Muqdisho dhawaan waxaa ku geeriyooday maxbuus ku xanuunsaday isagoo taliyihii xabsiga xilligaas uu u diiday in lagu maxbuuska loo qaado isbitaal gaar loo leeyahay.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS