Ciidamadda Amniga Puntland ee magacooda loo soogaabsho PSF ayaa maanta Deeq gaarsiiyey dadka iyo duunyada abaartu waxyeelaysay, deeqdan ayaa iskugujirtay Raashin iskugujiray Bariis,Sonkor,Bur,Timir,Caanobore iyo saliida cuntada lagu darsado.
Waxa sidoo kale deeqdaas kamid aha Shidaal,matoorada biyaha loogu talagalay iyo Daaawo, waxayna gararsiiyeen deeqdaan Deegaanka Balibusle oo katirsan degmada Jariiban ee Gobolka mudug,
Macaawinadaan oo ay ciidamadu kasoojareen mushaaraadkooda ayaa waxay ugu talagaleen qoysaska danyarta ah ee abaartu saamaysay,
Balibusle oo leh sadex ceel biyood oo ah kuwa matoorada ayaa waxa shaqeynayey markii ay saaka tageen hal ceel oo kaliya ,labadii ceel ee biyaha ayaa midu ufadhiyaa cilad waxayana kudeeqeen PSF lacag loogusoo iibsho qalabka kaciladaysan matoorka biyaha,
Sidoo kale waxay ciidamada PSFtu xaliyeen muran iyo isku haysi laxiriiray ceelka sadexaad kadib markii ay kulan saacado badan qaatay layeesheen dadkii iskuhaystay iyo maamulka iyo odayaasha deegaanka balibusle
waxayna ciidamada psf kuguulaysteen in isla galbtadaba ceelkaas ay kacabaan dadka ,maagaladaas gudaheeda kunoool ,iyo kuwa xoolo dhaqatadaa ,taas oo ay soo dhaweeyeen maamulka ,waxgaradka iyo odyasha deegaankaas,
waana markii sadexaad oo ciidamada psf ay gaarsiiyeen deeqdaan oo kale ,dadka iyo xoolaha abaartu saamaysay waxayana horay deeqdaan oo kale gaarsiiyeen xerojaalle oo katirsan Galdogob iyo Kaamka Taallo cad oo katirsan Gaalkcyo iyo maanta oo ay gaarsiiyeen Balibusle oo katirsan Degmada Jariiban,
SAWIRRO
COMMENTS