Dhalinyarada magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ayaa maanta qaaday ololihii ugu ballaarnaa ee lagu asturayo bakhtiga xoolaha laga daadiyey gaadiidka xoolaha u hayaaminaya briga Puntland.
Dhalinayarada Garoowe oo gacan kahelaysa shirkadda Daryeel Deegaan ayaa wajiga saddexaad ee ololaha maanta ahaana kii ugu dambeeyey ee wareega 1aad ka bilaabay kantaroolka Bari, waxaana ay gaarsiiyeen deegaanka Xaaji-khayr oo hoosyimaada Dangoarayo kana xiga dhanka magaalada Qardho.
Dhanka kalena dhalinyarada magaalada Qardho oo ololaha ka soo bilaabay deegaanka Sheerbi ayaa soo gaarsiiyey deegaanka Xaaji-khayr halkaas oo ay labada dhinac ku ku kulmeen, kuna gubeen xoolo badan.
Isbarasho iyo isumar xabayn kadib waxaa dhalinyaradu ay warbaahinta kula hadleen goob fagaare ah iyagoona balanqaaday inay sii wadi doonaan horumarka dalka iyo shaqooyinka mutadawacnimada ah.
SAWIRRO
COMMENTS