Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud”Faroole” oo Khudbad ka jeedinaayay Falfadhiga baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka sheegay in Culimadda ay fiican tahay in aysan Siyaasada ka hadlin.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay jiraan dad badan oo dhibaatooyin ku haya oo loo baahan yahay in laga qabto, islamarkaana si wadajir ah loo ilaaliyo Midnimada Shacabka degaanada maamulka Puntland.
“Culumada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta midka siyaasada soo qaata laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan idinka waana laydinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna amba sheikh baan ahay ima harowsan kartaan” ayuu yiri Senator Faroole.
Dhegayso.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS
Ma kitaab aan ka kitaabka allah ahayn ayaa jira subxaaballah war odeyga maxaa ka soo yeeray
Hadal habred kama dhamado sidasan yelay
Subxanalah. Sharciga islaam ka meshi looga tagay oo dastuur insaan anoo kala ay qoreen ilahey ima joojiyo. In kasto anigu aanan sheeq ahayn.