Senator Mareykan ah oo saameyn badan leh oo doon mucaawimo u sidda Qasa u rajeeyey burbur iyo dhimasho
Tan iyo dagaalkii Ruushka iyo Ukraine iyo weerarkii Is^raa’iil ee Qasa, waxaa si joogto ah u soo shaacbaxayey dhanka dahsoon ee reer Galbeedka oo jiilalka danbe illaaween taariikhdooda, ahna taariikh mar aad u foolxun, marna aad u murago weyn, ahna taariikh isugu jirta gumeysi iyo xasuuq, ha ahaato tii ka ganacsiga dadka Afrika, xasuuqii dadka dega Waqooyiga Ameerika, iyo waliba bartamaha Bariga Dhexe oo la dajiyey dawlad Yurubiyaan ah, dadkii deegaanka lahaana laga masaafuriyey guryahoodii iyo beerahoodii, wixii diideyna la xasuuqay.
Nasiib wanaag, saddex qarni kabacdi ka ganacsigii iyo adoomeysigii dadka Afrika, waxaa mar kale soo ifbaxay midabka rasmiga ah ee reer Yurub iyo Amerika. Maanta reer galbeedku waxay wax kasta oo ay hayaan ku taageerayaan dawladda Ukraine oo astaamaheeda iyo salaanta ciidankeedu yahay kuwii WEHRMACHT (Ciidankii Jarmalka), si mar kale loo qabsado Eurasia. Dhanka Bariga Dhexe warkiisu sharraxaad uma baahna.
Intaas oo ammuurood oo adduunka ka taagan, Senatarka saameynta badan ee Mareykanka, Senator Lindsey Graham, waxa uu shalay si toos ah oo aan gabbasho lahayn dhimasho ugu rajeeyey gabadha da’da yar, Greta Thunberg, ee caanka ah ee u dooda deegaanka iyo isbaddalka cimilada. Danbiga uu ku eedaynayo gabadhaas yar iyo saaxiibadeed ayaa ah in ay doon raashin ah u rareen dadka gaajeysan ee Qasa.
Haddaba waa maxay casharka uu hoggaamiyaha iyo siyaasiga Soomaaliyeed ee barasho taariikheedba ha danbeyso e u qaba in Mareykanku u taaganyahay badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed? Sidee se wiilka Soomaaliyeed ee da’yarta ah oo asna taariikh hore iyo mid cusub aan waxba ka aqoon, kana baran, laakiin siyaasiga duruufeysan ama u shaqeeya gumeysataha dahsoon u taageeraya si qabiileysan loogu toosin karaa jidka saxa ah?
Maahmaah baa ahayd, “Kuwa illaaway ama aan baran taariikhda waxay ku xukumanyihiin in ay dib ugu noqdaan meeshii laga yimid.” Haddii aan dhallinta Soomaaliyeed taariikhda wax ka baran, ha u diyaagaroobeen in inta dhooqada la jiifiyo, kabaha lala dulmari doono.
> Daljir Media


COMMENTS