Shabeel Dilay Gabadhii Hayihiisa Ahayd

Shabeel Dilay Gabadhii Hayihiisa Ahayd

Huntingdon, Cambridgeshire – Saaka barqadii waqtiga London waxaa shabeel uu hoygiisa si lama filaan ah ugu dilay Rosa King, 34 jir, xarunta xanaanada duurjoogta 14 sano ka shaqaynaysay.

Gabadha hooyadeed oo la waraystay waxay tiri “Rosa aad bay u jeclayd la dhaqanka iyo xannaanaynta duurjoogta, shaqo kalena niyad uma aysan hayn.

Booliska Cambridgeshire waxay sheegeen in shabeelka aysan waxba gaarin, uuna badqabo.

Mareegta Hamerton Zoo Park waxaa ku xardhan in xarunta xanaanada duurjoogta Hamerton ay tahay “Dhulkii Shabeelka” ayna shabeel xannaaneeye ahaayeen illaa iyo sannadkii 2001.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com