Shacab lagu Xasuuqay Masjid kuyaala New Zealand

Shacab lagu Xasuuqay  Masjid kuyaala New Zealand

Qof hubaysan oo weeraray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaan wali gacanta lagu dhigin, booliiska ayaana ka digay ninkaas.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay orad kaga baxsadeen rasaastii dhacaysay.

Muuqaal aan la xaqiijinin saxnimadiisa ayaa soo baxay, muuqaalkaasina wuxuu tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya.

Mohan Ibrahim oo ku sugnaa dhulka masjidka ayaa warbaahinta Herald ee dalka New Zealand u sheegay “n markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse dadkii ayaa billaabay in ay kala yaacaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com