Cabdirisaaq Shire Xeyle Guddoomiyaha Guddiga magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa waraysi gaar ah oo uu siyay maanta Radio Daljir waxa uu kaga hadlay bayaankii dhawaan ay soo saareen waxgaradka gobolka Sanaag.
Xeyle waxa uu sheegay in la magacaabay guddiyo kala duwan oo ka shaqayn doona sidii isbaddal looga hirgelin lahaa gobolka, gaar ahaan dhanka amniga iyo dhaqaalaha.
Xeyle ayaa sheegay in gobolka ay xafiisyo hadda ka furteen Wasaaradaha Maaliyada iyo tan Howlaha Guud ee Dowladda Puntland, waxaa kale oo uu sheegay in gobolka laga bilaabay ururinta canshuuraha dowladda.
wariye Hodan Sulub ayuu Xeyle u warramay.
COMMENTS