Shan carruur ah oo maleeshiyo beeleed hubaysan ku dileeen deegaan hoostaga degmada Gallaadi

Shan carruur ah oo maleeshiyo beeleed hubaysan ku dileeen deegaan hoostaga degmada Gallaadi

Shan carruur ah ayaa geeriyoodey halka mid kale uu dhaawacmay, kaddib markii koox hubaysan ay ku dileen deegaan ka tirsan Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhaalle oo hoostaga degmada Gallaadi.

Caruurtaan oo kan ugu wayn uu jirey 13 sanno ayaa la sheegay inay ka yimaadeen aroos lugu dhigayay meel baadiye ah, iyagoo markaas seexday meel u dhow dugsi Quraan ay dhigan jireen.

Maleeshiyaadka dilka geystey ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo dabasocda aanoo qabiil.

Carruurta dhimatay maydkooda iyo kan dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka degmada Dhabbad ee gobolka Galgaduud.

Diiwaanka wararka | Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com