Dagaalka Qasa iyo xasuuqa daran ee ku socda shacabka Falastiin ma aha mid ku eg Isra ee waa mid ay iska kaashaadeen dawladaha Mareykanka, Isra iyo Carabta Khaliijka oo ay hormuud u yihiin Sucuudiga iyo Imaaraadku.
Xiritaankii Yaman ay Badda Cas ka xirtay Isra kabacdi, waddamada Khaliijku waxay bilaabeen in ay badeecadaha iyo hubka Isra uga soo dajiyaan dekedahooda, dabadeedna ay ku raraan gaadiidka dhulka (Land Corridor to Israel) ayaga oo u sii marinaya Urdun. Dagaalka oo sii xoogeysanaya iyo Isra oo hubkii ciriiri ka galay darti, wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in maraakiibta Sucuudigu ay hadda bilaabeen in ay hubka u raraan Isral. Laakiin kacdoon daran oo daafaha adduunka ka bilowday loogana soo horjeedo xasuuqa Qasa ayaa shaqaalaha dekedda Genoa ee Talyaanigu waxay 7dii Agoosto xannibeen markabka Sucuudiga ee Bahri Yanbu iyagoo diiday in ay ku raraan hub loo waday Israa’iil. Shaqaalaha dekedda oo mudaharaadaya ayaa ku dhawaaqay, “Uma shaqeyno dagaal” waxayna dalbadeen in la sameeyo hay’ad joogto ah oo kormeerta ganacsiga hubka loo wado Isral.
Hubka la rabay in lagu raro markabka Sucuudiga loona waday Isra ayaa la sheegay in ay ku jiraan qoryaha badda, qaraxyada, rasaas, gaadiidka gaashaaman iyo taangiyo laga keenay Mareykanka.
Illaa iyo hadda ma jiraan culimo Muslim ah, ha ahaadeen Soomaali ama Carab, aan ka ahayn culimada Yaman iyo kuwa Iran, oo ka horyimid siyaasadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ee garabistaagga Isra iyo xusuuqa Qasa.
> Daljir Media


COMMENTS