Shaqo Joojin looga Dhawaaqay Israa’iil

Shaqo Joojin looga Dhawaaqay Israa’iil

Israa’iil ayaa looga Dhawaaqay shaqo joojin guud iyadoo ay wali socdaan dibad-baxyada looga soo horjeedo waxaa loo arko in ay dawlada Israa’iil ku guul-darraysatay inay sii deyso la haystayaasha gacanka ugu jira Xamaas.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii sabtidii ay ciidamadu soo saareen meydadka lix qof oo la qafaashay, taasoo keentay caro dadweyne.

Dadka isku soo baxay guud ahaan Israa’iil ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo dowladdiisa inaysan wax ku filan ka sameynin in heshiis laga gaaro la haystayaasha haray ee Xamaas ay qafaasheen weerarkii 7-dii Oktoobar.

Baaqa shaqoojinta oo ah hal maaalin oo bilaamanaya maanta oo isniin ah waxaa soo saaray ururka shaqaalaha ee ugu weyn Israa’iil, ee la yiraahdo Histadrut, kaas oo hogaamiyahiisa, Arnon Bar-David, uu sheegay in waddanku uu helayo “Maydad halkii heshiisyo la gaari lahaa “

Dowladda ayaa si caro leh uga jawaabtay tallaabada ururka, iyadoo wasiirka maaliyadda ee midigta fog Bezalel Smotrich, uu ku eedeeyay inay ku ciyaareyso gacanta Xamaas.

Ma cadda sida baaxadda leh ee loo arki doono shaqa joojinta, ka dib markii dhowr magaalo iyo degmooyin ay ku dhawaaqeen inaysan ka qayb qaadan doonin.

Si kastaba ha ahaatee, baaqa shaqo joojinta dalka oo dhan ayaa ah calaamadii ugu dambeysay ee muujineysa in carada dadweynuhu ay ka qabaan dilalkii ugu dambeeyay ee dadka la qafaashay aysan hoos u dhicin.

Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa goor sii horeysay sheegay in lixda qof ee meydkooda laga helay god dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla deegaanka Rafax ee koonfurta Qasa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com