SHAQOOYIN KA BANNAAN UNSOS: “HADDII AAD SOOMAALI TAHAY HA RAAJICIN SHAQADAN”

SHAQOOYIN KA BANNAAN UNSOS: “HADDII AAD SOOMAALI TAHAY HA RAAJICIN SHAQADAN”

UNSOS HAY’ADDA UN-TA U QAABILSAN TAAGEERADA CIIDAMADA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA OO SHAQAALE RAADIS AH LAAKIIN SHEEGTAY “HADDII AAD SOOMAALI TAHAY HA RAAJICIN SHAQADAN”

Sharciyan wax qarsoon ma aha in Hay’adda UNSOM ee Qaramada Midoobay haddana uu xukumo James Swan ay hayso talada Soomaaliya, Soomaaliyana lagu maamulo sharciga loo yaqaan ‘Chapter VII Authority.’ James Swan oo hore u u ahaan jiray Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika ayaa haya hoggaanka UNSOM. James Swan waxaa kale oo hoosyimaada UNSOS iyo xafiiska ATMIS ee ciidamada nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya. Waxaa kale oo James Swan hoosyimaada dhammaan hay’adaha UN-ta ee ka hawgala dalka. Hay’adahaas UN-ta ayaa qabta shaqadii wasaaradaha kaladuwan ee dalka, haddii aysan toos u qabana, waxay si dadban u maamulaan hawlaha wasaarad walba oo Soomaaliya ka hawlgashaa ay qaban karto ama aysan qaban karin, ayada oo dhanka maalgalinta amarku ka imaanayo.

Dhammaan Hay’adahaas waxay degganyihiin xerada Xalane ee looga taliyo Soomaaliya, hawl dawladeed oo Soomaaliya ka fuli kartaana ma jirto ayada oo aan fasax ka haysan xafiisyada UNA-ta ee dhammaantood hoostaga James Swan.

Dhanka shaqooyinka, Soomaalida waa laga ilaaliyaa xafiisyada sare ee UN-ta iyo waliba gudaha Xalane. Tusaalihii ugu danbeeyey wuxuu ahaa maanta ayada oo xafiiska UNSOS uu soo dhajiyey shaqo bannaan, laakiin lagu qeexay SHAQOOYIN KA BANNAAN UNSOS: “HADDII AAD SOOMAALI TAHAY HA RAAJICIN SHAQADAN”.”)

Soomaaliya ayaa maalmo kahor u dabaaldegtay maalinka xorriyada ee 1da Luulyo, haddaba su’aasha mudan in Soomaalidu isweydiiso waa, “horta Soomaaliya ma xor baa?” Su’aal kale ayaa ah, “maxaa loo waayey hal waddani, hal siyaasi, iyo hal qoraa oo su’aal ka keena xornimada Soomaaliya ee sannad kasta loo dabaaldego oo meel ay Soomaaliya ka jirtaa aysan jirin?”

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com