Sheegow Axmed Cali oo ku magacdheeraa General Sheegow ayaa ku geeriyooday isbitaal Digfeer ee Muqdisho

Sheegow Axmed Cali oo ku magacdheeraa General Sheegow ayaa ku geeriyooday isbitaal Digfeer ee Muqdisho

Sheegow Axmed Cali oo ku magacdheeraa General Sheegow ayaa ku geeriyooday isbitaal Digfeer ee Muqdisho

Sheegow Axmed Cali oo aad loogu yaqaanay General Sheegow ayaa goordhaweyd la xaqiijiyey geeridiisa kadib markii uu muddo maalmo ah xanuusanaa.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa warbaahinta Daljir u xaqiijyey geerida Sheegow oo ku dhintay isbitaalka Digfeer magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmihii u dambeeyey lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad.

Sheegow Axmed Cali oo horay uga tirsanaa ciidamada dawladda, kana mid ahaa saraakiisha millatari ayaa muddo muddo 18 bilood ka badan u xirnaa dawladda Soomaaliya iyadoo loo haystay eedo la xiriira xagga amniga iyo abaabul dagaal oo ay ku dhinteen askar dawladeed, sidaasina waxaa shaacisay maxkamaddii la saaray xarigiisa kadib.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli shaacin asbaabta dhalisay geeridiisa iyo xanuunka loo jiifiyey isbitaalka, hase ahaatee sawir maalmo ka hor laga baahiyey Sheegow ayaa muujinayey isbaddel jir ahaaneed ku dhacay marka loo fiiriyo xilligii xarigiisa oo ahayd August 2023-kii.

Kacdoon dadweyne ayaa ka dhashay xilligii xariggiisa, iyadoo ay dhaceen isku soo baxyo waaweyn oo lagu diidanyahay xarigii loo geystay rabbi ha u naxariistee Sheegow Axmed Cali “General Sheegow”, bannaanbaxyadaasi oo ka dhacay magaalooyinka kala duwan oo dalka, waxaana ugu xoog badnaa bannaanbaxyadii ka dhacay Muqdisho.

Haatan oo la xaqiijiyey geeridiisa Sheegow Axmed Cali oo muddo sannad iyo bar ah xirnaa, ayaa la filayaa suuragalnimada bannaanbaxyo kuwii hore la mid ah oo dhaca, iyadoo muddo ay xoogaysanayeen tabashooyinka la xiriira hannaankii caddaaladeed ee uu helay xilligii maxkamadayntiisa, daryeelkii caafimaad iyo nololeed ee muddadii uu xirnaa.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com