Sheekh Shaakir oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

Sheekh Shaakir oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Garabka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Caawa xafiiskiisa Dhuusamareeb ku qaabilay qaybaha kala duwan ee Dhalinyarada dagmada guriceel oo isugu jira Bahda Dhalinyarada iyo Bahda Ciyaaraha waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa ganacsato iyo Abwaano .

War laga soo saarey Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa Kulanka lagu sheegay in uu ahaa ayaa hambalyo iyo soo dhaweyn ku socotay Madaxweyne Galmudug garabka ahlusunna Sheekh Shaakir oo Dhalinyaradu la sheegay inay ka sideen Bulshada ku nool Degmada Guriceel

Dr Sheekh Shaakir ayaa si diiran uga guddoomay dhalinyarada dhambaalka soo dhaweynta,wuxuuna guud ahaan bulsha weynta reer Guriceel uga mehed celiyey soo dhaweeynta ay u muujiyeen Madaxda Cusub ee DGGM.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa weli waxaa ay kasoo horjeedaan doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb,iyaga oo kulamo kala duwan ka wada Magaalada Dhuusamareeb.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com