Sheekh Shariif iyo Madax kale oo uga digay Xasan Sheekh Muddo kordhin

Sheekh Shariif iyo Madax kale oo uga digay Xasan Sheekh Muddo kordhin

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, RW hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa siwadajir ah u sheegay in aysan aqbali doonin muddo kororsi uu damacsan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ay soo saareen ayaa waxaa lagu yiri” Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com