Sheekh Shariif & Madaxweyne Guudlaawe oo ka wada hadlay dedejinta Doorashada

Sheekh Shariif & Madaxweyne Guudlaawe oo ka wada hadlay dedejinta Doorashada

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo howlo Shaqo u jooga Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya iyo dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha Sacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

”Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadeen kulamo kala duwan ,iyaga oo walaac ka qaba dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com