Sheekh shariif oo fariin u diray Madaxda DFS & Beesha Caalamka

Sheekh shariif oo fariin u diray Madaxda DFS & Beesha Caalamka

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay daadad ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland,isaga oo ku baaqay in loo gurmado.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka ka barakacay daadadka Roobka iyo fatahaada Wabiga uu ka geystay deegaano ka tirsan Jubbaland.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa ayuu yiri”Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka a saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka Roobka.

Wabiga Jubba ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ka barakacay dad farabadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com