Cape Tawn, Aug 11 – Allaha u naxariistee waxaa shalay dalka Koonfur Afrika lagu dilay Sh. C/laahi C/qaadir Yuusuf oo ka mid ahaa culimada diinta fidisa, si wayna looga yaqaanay dalkaasi gaar dhinaca Somalida.
Marxuunka waxaa dilay niman u dhashay dalkaasi, kuwaas oo bir madaxa kaga dhuftay waxaana loola cararay isbitaal ku yaalla halkaasi oo uu markii dambe ku dhintay, sida uu Radio daljir u sheegay Cali Max?ud Gurxan oo ka mid ah Somalida ku dhaqan dalkaasi.
Sheekha ayaa markii shilku dhacayey ku sugnaa dukaan uu halkaasi ku lahaa, waxaana uu ka mid ahaa culimo dhawaanahan dalkaasi ka waday abaabul ku aadan sidii loogu gurman lahaa Somalida abaaruhu cayreeyeen.
Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah uga dhaca dilalka loo geysto dadka Somalida ah, kuwaas oo ay geystaan mooryaan doonaya inay dhacaan dukaamada Somalidu dalkaasi ku leeyihiin.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
COMMENTS