Shidaalka ku jira Dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Mudo Kooban Gudaheed lagu soo Saarayo

Khamiis, September 10, 2015 (Daljir) — Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in shirkada Poly Technology ee dalka China ay sadax sano kadib ceelasha gobolka Ogaden ka soo saari doonto 182 bilyan oo litir oo gaas ah kaas oo loo dhoofin doono dalalka Yurub.Ethiopia waxay kaloo sheegtay in hada ay socoto dhismaha dhuumihii lagu dhoofin lahaa gaaska oo isku xidhi doona ceelasha iyo dekada dalka Jabuuti.

Ethiopia waxay sheegtay in lacag dhan 5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah ay ku baxayso soo saarida gaaska dabiiciga ah ee gobolka Ogaden.

Shaqada shirkada Poly Technology ayaa siweyn looga dareemay deegaanada ku dhaw dhaw deegaanada ay ku yaalaan ceelashu.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com