Weli waxaa socda dagaalka dhaqaale ee u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka. Shalay Trump waxa uu tariifada ama canshuurta badeecadaha Shiinaha ka dhigay 104% oo waa laba jibaaray, haddana ku sii daray hanjabaad ahayd, car Shiinuhu tariifadiisa ha kordhiyo.
Saacad kahor Shiinaha ayaa ku jawaabay tariifo dhan 84% meesha ay awal ka ahayd 34%.
Sida xaalka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee labada dal yahay maanta waxaa la filayaa in labada dal dhaqaale ahaan toos u kala furtaan (decoupling) oo uu gabi ahaanba istaago xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal ee adduunka ugu dhaqaale iyo ganacsi badan.
Kala furashada ganacsi ee labada dal ayaa la qiyaasayaa in uu saameyn daran ku yeelan doono dhaqaalaha adduunka. Yurub iyo Mareykanka ayaa ayana si kulul isugu jawaabaya oo dhinac walbaa dhankiisa siyaadinayaa tariifada badeecadda kan kale.
Dhaqaale xumada soo wajahday Mareykanka iyo Yurub ayaa hadda si toos ah looga dareemayaa suuqyada adduunka. Saameynta dhaqaale ee dhaqaale xumidaas ku yeelan doontaa Soomaaliya ayaa la qiyaasayaa in ay ku hormari doonto dhanka ciidamada nabad-ilaalinta Afrika ee ka hawlgala Xamar iyo koonfurta dalka.
Maxaa Soomaali u talo ah haddii dhaqaale loo waayo ciidamada nabad-ilaalinta Afrika?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS