Shil gaari oo ay ku dhinteen 10 qof ayaa ka dhacay duleedka degmada Xarfo.

Xarfo,Feb 1 – Shilgaari oo sababay dhimashada 10-qof oo isugu jirtay haween iyo carruur ayaa maanta kadhacay deegaanka Dusmada oo u dhow degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Shilka gaari ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo noocoodu yahay Market 2 iyo gaari wayn oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Candho Meydle,saxafiyiin katirsan xarunta Daljir ee magaalada Gaalkacyo oo booqday goobta uu shilku kadhacay ayaa kusoo waramaya,dadka geeriyooday inay lasocdeen gaariga Marked 2,halka gaariga Candho Meyldahana uu ahaa mid maran.

Saraakiil katirsan ciidamada wadooyinka iyo saraakiisha wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa gaaray goobta uu shilku kadhacay waxaana soconayso baaritaano la xiriirta shilkan khasaaraha badan dhaliyay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com