Shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

Shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

Geerida labo ruux oo wiil iyo hooyadiis ah ayaa la xaqiiniyey, labo kale oo isla qoyska ahna waa dhaawac kadib markii ay isku dhaceen gaari qaad siday iyo mooto Bajaaj dad rakaab ahi saarnaayeen

Shilkaan oo ka dhacay waddada laaniga ah ee deegaanka Laacdheere ee galbeedka magaalasa Garowe ayaa ahaa mid naxdin kadib markii afar ruux oo isku qoys ahi ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Shilalka gaadiidka ee waddooyinka Puntland ayaa ah mid tiro ahaan aad loo badiyo, waxaana hay’adda nabadgalyada waddooyinku badanka ku sababaysaa waddooyinka iyo wadis xumaanta darawallada, siiba marka ay joogto xagga masuuliyadda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com