Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Muqdisho

Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jenearaal Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo kusimaha Taliyaha hey’adda NISA Muhiyadiin Warbac ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga waxaa looga dhageystay Hey’addaha kala duwan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku amaanay Saraakiisha laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com