Shir looga hadlayay bilaabida howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu qabtay Gobolka Gedo

Shir looga hadlayay bilaabida howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu qabtay Gobolka Gedo

Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo waxaa ku qabsoomay shirka Amniga oo ay ka qayb galeen Maamulka Degmada iyo Hay’adaha kala duwan ee Nabadgalyada kaaso looga hadlayay xoojinta amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorax oo shir gudoominayey Shirka, xubnaha kale ee Maamulka iyo sarakiisha kale ayaa is waydaarsadey xogaha amni ee qarsoon oo u baahan in la iska xogwaraysto. sare u qaadida Nabada buuxda ee ka jirta Degmada iyo sidoo kale howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo la bilaabayo

Guddoomiyaha Degmada ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga dadaalada ay wadaan ee lagu xaqiijinayo amniga Degmada iyo degaanada hoos yimaado, isaga oo sidoo kale Shacabka ugu baaqay inay amniga kala Sahqeeyaan Ciidamada.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weeerar kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada ee degmadaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com