Shir looga hadlayo Dib u eegista Barnaamijka Cadaaladda oo Muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo Dib u eegista Barnaamijka Cadaaladda oo Muqdisho ka furmay

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo qabtay xubno ka socday qeybaha Cadaaladda sida Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, qareennada iyo asluubta, iyadoo furitaankiisa ay ka qeybgaleen, wasiirrada Cadaaladda ee maamul-goboleedyada, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir, taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirka Cadaalada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlay munaasabaddii furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in ujeeddada shirkan ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe howeedka Sadexda sano ee soo socota, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda shirkani u leeyahay horumarinta caddaaladda dalka..

“Waxaa dhamaaday qorshe howleedkii wasaaradda Cadaaladda sadaxdii sano ee la soo dhaafay, waxaan u fadhinaa qorshihii sadexda sano ee soo socota lagu maamuli lahaa Cadaaladda dalka” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com