Waxaa ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland shir looga arinsanayo midaynta canshuuraha dalka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda maaliyadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirada maaliyadda Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Shirka ayaa lagu wadaa inay gabagabada kasoo baxaan warmurtiyeed kusaabsan midaynta canhsuuraha dalka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
COMMENTS