Shirar Aan saxaafadda loo Ogolayn oo Kismaayo ka socda

Axad, September 13, 2015 (Daljir) —Madaxdii Soomaaliyeed ee shalay ka qayb gashay xafladii caleemasaarka madaxweynaha Jubaland ayaa maanta ku shirsan magaalada Kismaayo.Waxyaabaha madaxdu ka wada hadlayso waxaa ugu muhiimsan nooca ay noqonayso doorashada lagu wado in sanadka soo socda ka dhacdo dalka iyo qaabka la isku dooranayo.

Illo lagu kalsoon yahay oo si hoose ugu waramay warbaahinta ayaa sheegaya in madaxda Soomaaliyeed ku kala aragti duwan yihiin doorashada iyo qaabka loo wajahayo.

Qaar kamid ah madaxda Soomaaliyeed waxay qabaan in hanaanka qaab beeleedka 4.5 la isku soo doorto iyadoo odoyaal ka badan kuwii hore ay soo xuli doonaan xildhibaanada,halka qayb kamid ah madaxda Soomaaliyeed ay fikirkan ka soo horjeedaan ayna aaminsan yihiin in maamul goboleedyada dalka kajira ay soo xulaan xildhibaanada.Wakiilada Beesha caalamka ayaa lagu soo waramayaa inay la dhacsan yihiin fikirka dambe ee ah in maamul goboleedyadu xildhibaanada soo xulaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com