SHIRKA 1aad EE CILMIBAARISTA URURADA JAAMACADAHA PUNTLAND – 2025

SHIRKA 1aad EE CILMIBAARISTA URURADA JAAMACADAHA PUNTLAND – 2025

Mawduuca: Kobcinta Adeegga Bulshada

Waxaa magaalada Garowe si hamsami leh uga socda shirkii ugu horreeyay ee Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland (APURC 2025). Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa diiradda saaraya kobcinta adeegyada bulshada, waxaana lagu soo bandhigayaa 17 cilmi-baaris oo kala duwan. Ujeeddada guud ee shirka ayaa ah in la xoojiyo fahamka cilmiyeed ee la xiriira dowladaha hoose, adeeg-bixinta bulshada, iyo xal-u-helidda khilaafaadka, si loo horumariyo qorsheynta iyo go’aan qaadashada heer dawlad iyo heer bulsho.

Cilmi-baarisaha la soo bandhigay waxaa ka mid ah:

1.⁠ ⁠Ahmed Shire (La-taliye, Barnaamijka Dowlad-Wanaag):
Dood ku saabsan Dib u eegista socdaalkii maamul daadejinta ee Puntland nidaamka, dib u qaabeynta iyo dhabta jirta.
2.⁠ ⁠Abdinur Abdirizak (Jaamacadda Admas): Gudbinta waxbarashada tacliinta sare oo tayo leh ee Puntland.
3. PDRC Heshiis beeg: Natiijooyinka hordhac ah.
4.⁠ ⁠Abdirahman Mohamud Said (UOB): Daraasad ku saabsan Caqbadaha iyo fursadaha ee adeeg bixinta ee dowladda hoose ee Boosaaso.
5. ⁠Adam Bihi: Conciliation Barometer: Key Preliminary Findings Natiijo hordhac ah oo laga helay barometer-ka isu-soo-dhoweynta bulshada.
6. Abdullahi Ilyas Osman: Doorka dawladaha hoose ee xakameynta tahriibka miyiga-loo-guuro iyadoo loo marayo adeeg-bixin.
7. Hassan Mohamed Olad (AAIU): Iskaashiga dowladda iyo ganacsadaha: jidka harumarka waara ee Soomaaliya.
8. Ahmed Adam Mohamed: Gadgadoonka khilaafka qabiilka iyo kaalinta ay ku leeyihiin barakaca.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com