Magaalada Garoowe ayaa todobaadkan gudihiisa waxaa lafilayaa in uu ka furmo shirkii Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada dalka oo u shirgudoomiyo Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas.
Shirka ayaa lagu gorfayn donaa khilaafka udhexeeya Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Soomalaiya iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo jiitamayay mudada dheer .
Wararka uu helayo radio Daljir ayaa sheegaya in magaalada Garoowe maanta ay ku soo wajahan yihiin Madaxweyne yaasha maamul goboleedyada Koonfur galbeed , Galmudug, iyo Jubaland .
Shirka ayaa lagu wadaa in u furmo 20-23-10-2018
Shrkan ayaa lagu waday in uu furmo 10-ka bishan balse waxa uu ubaaqday arimo farsamo .
Dowladda Soomalaiya ilaa haatan kama aysan hadlin shirkan la qorshaynayo in uu Garoowe ka furmo .
Sawiro.
COMMENTS