Shirka Golaha Wadatashiga Oo Maanta soo gabagaboobaya

Shirka Golaha Wadatashiga Oo Maanta soo gabagaboobaya

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa maanta lagu soo gabagabeynayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee shalay furmay waxaana lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed lagu caddeynayo qodobada ay ku heshiiyeen Madaxda.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir Guddoominaya kulanka waxaana ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa Dib u heshiisiinta, Ammaanka, wada shaqeynta, Doorashooyinka, qabyo-tirka Dastuurka, Wax ka qabashada Abaarta & qodobo kale sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Villa Somalia.

Gelinka dambe ee maanta ayaa marka lasoo gabagabeeyo shirka waxaa lagu wadaa in lasoo saaro warmurtiyeed ka tarjumaya waxyaabaha ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com