Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Magaalada Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Magaalada Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

War lagu daabacay mareegta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkii Madasha Wadatashiga Qaran uu maanta furay madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka Madasha oo hore u fashilmay ayaa balantu ahayd inuu shalay oo 26 October uu furmo inkastoo weli uusan kasoo qayb gelin madaxweynaha Jubaland oo dartiis uu u hakaday shirkii maalmaha badan k socday Muqdisho ee furmay 2 bishan.

Lama oga sida war-murtiyeed looga soo saari karo shirkaan oo uu ka maqanyahay Axmed Madoobe ayadoo hore uga maqnaa Siciid Deni.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com