Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Muqdisho Ka Furmayo

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Muqdisho Ka Furmayo

Madaxweynaha dalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ee maanta uu shir uga furmo xarunta madaxtooyada.

Shirka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed, Jubbaland, Puntland iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Kulanka madasha wadatashiga qaranka ayaa waxaa looga hadli doona xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, waana kulankii ugu horeyay ee madaxda ay yeeshaan kadib doorashooyinkii dalka.
Shirkaan ayaa waxaa shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maaxamuud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com