Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboeedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha.
QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY
Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:
HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.
ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.
SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA
Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.
Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka Al-Shabaab.
Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Al-Shabaab.
Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka Al-Shabaab la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.
Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.
DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA
Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.
DHACDADII BAYDHABO EE KOONFUR GALBEED
Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.
Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada.
Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.
Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
COMMENTS