Shirkadaha diyaaradaha ee British Airways iyo Lufthansa ayaa hakiyay duulimaadyadoodii magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sababo amni oo aan la shaacin.
“Waxaan si joogto ah aan dib u eegis ku samaynaa hanaanka ammaankeena dhammaan garroomada diyaaradaha ee adduunka, waxaana muddo todobo beri ah joojinay duulimaadyadeena magaalada Qaahira, si aan u samayno qiimayn baalaran” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay British Airways.
Mar la waydiiyay fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta duulimaadyada loo hakiyay iyo ammaanka ay dib u eegayaan, ayaa afhayeen u hadlay waxaa uu ku jawaabay “Kama hadli karno waxyaabaha ammaanka ku saabsan”
Dhanka kalle afhayeen u hadlay shirkadda Germany ee diyaaradaha Lufthansa oo ka howlgasha caasimadda Masar ee Qaahira ayaa waxaa uu sheegay “Badqabka waa muhiimadeena koowaad Lufthansa ahaan, duulimaadyadana si kulmeel gaar ah ayaan u hakinay Qaahira, iyadoona qiimayn dheeraad ah la samaynayo”
Shirkadda Germany ee diyaaradaha ayaa la sheegay Axadda inay qorshaynayso inay dib u bilowdo duulimaadkeedii Qaahira.
Masuuliyiinta Masar ayaa sheegay inay la socon walaaca amni ee soo wajahay shirkadaha duulimaadyada ee Germany iyo British Airways.
COMMENTS