Shirkadda WhatsAPP oo sharci cusub kusoo rogtay barnaamijkeeda

Shirkadda  WhatsAPP oo sharci cusub kusoo rogtay barnaamijkeeda

Shirkadda WhatsApp ayaa soo saartay sharci cusub oo ay kusoo rogtay dadka isticmaala barnaamijkeeda, kaasi oo looga gol leeyahay dadaal ay ku doonayso inay wax kaga qabato wararka been abuurka ee sii faafaya.

Shirkadda Facebooka ayaa horay sharcigan ay qaadatay WhatsApp uga hirgalisay wadanka India muddo lix bilood laga joogo, si wax looga qabto wararka been abuurka oo noqday mid adduunka dhibaato ku haya, kaasi oo sii faafaya, iyadoo la adeegsanayo aaladaha ay bulshada ku xiriirto.

Go’aanka WhatsApp ay qaadatay ayaa lagu shaaciyay munaasabad ka dhacday caasimadda Induniisiya ee Jakaarta, xilli wadankaasi lagu wado inuu ka dhaco doorashooyinka guud bisha April.

“Waxaan xadidaynaa in farriimaha la isku sii xawilo adduunka oo dhan” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkadda WhatsApp.

“Tani waxaa ay gacan ka gaysan doontaa in WhatsApp ay diiradda saarto farriimaha gaarka ah ee la is dhaafsanayo iyo inay dhagaysato fal celiska bulshada ee ku wajahan mowduucyada la isku dirayo” ayuu intaasi ku daray afhayeenkan u hadlay WhatsApp.

Go’aanka WhatsApp ayaa noqon doona mid qofka u ogolaanaya in farriimaha uu u xawilo ilaa shan qof oo kaliya, iyadoo markaasi kadib la hakin doono  farriintaasi inay sii baahdo.

WhatsApp ayaa horay waxaa ay u adeegsan jirtay nidaamka end-to-end encryption, kaasi oo ah in farriimaha kaliya ay arki karaan qofka diraya iyo kan uu udirayo, waxaana ka maqnaa awoodda shirkadda ee ay kula soconayso wararka been abuurka ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay shirkadda Facebooka ayaa ku dhawaaqday inay gabi ahaanba ay hawada ka saartay shan boqol oo bog iyo akoontiyo lagu sameeyey barteeda, kuwaasi oo lagu eedeeyey wararka been abuurka ee bartamaha qaaradda Yurub sida wadamada Ukraine iyo dalalka kalle ee bariga Yurub ku yaala, waxaana sido kalle ay ku dhawaaqday inay shaqaalaysiisay hay’ad qaabilsan la socodka shaqadaasi oo xarun looga dhigay wadanka UK.

Maxamuud Cabdi Ibraahim.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com