Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa amar culus ku soo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta ka howl gala dalka, iyadoo ku amartay inay isku furaan khadadkooda Isgaarsiinta oo ah kuwo kala xiran oo aan is wici karin.
Qoraal ka soo baxay Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgala ay waajib ku tahay inay isku furaan khadadkooda taleefanada wicitaanka.
Akhriso Qoraalka:-
Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.
Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada, sida ay dhigayaan qodobada 50, 51, 52, 53 ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeer-nidaamiyaha isku-xirka ee dhowaan la anisixiyey.
Waxa aan rajeyneynaa in shirkaduhu tixgelin doonaan hadafka laga leeyahay arrintan oo ah dan guud sida uu dhigayo sharciga, kuna soo gabagabeyn doonaan wada-xaajoodkooda waqtiga loogu talo galay.
COMMENTS