Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Baydhabo

Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Baydhabo

Waxaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saari doono arimaha ammaanka, siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda ee dalka.

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubaland ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda faderaalka, iyadoona madaxda Villa Somalia lagu dhaliilayo inay yihiin kuwa kasoo horjeeda nidaamkii faderaalka ee lagu soo doortay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com