Shirkii NATO ee London oo Ila Meerayso isu Badalay kuna soo Dhammaaday Hadal Badan iyo Hawl Yar

Shirkii NATO ee London oo Ila Meerayso isu Badalay kuna soo Dhammaaday Hadal Badan iyo Hawl Yar

Shirka NATO oo markii horeba Mareykanku ka maqnaa ayna hormuud u ahaayeen Macron iyo Starmer oo hore ugu soo fashilmay kulankii Trump ee Washington ayaan natiijo la taaban karaa ka soo bixin.

Sida lagu faafiyey war murtiyeedka shirka, waxaa la go’aamiyey in laga shaqeeyo qorshe cusub oo mar kale loola tago Trump si uu u keeno heshiis lala galo Ruushka oo lagu soo afjaro colaadda Ukraine. Go’aamada shirka waxaa kale oo ku jira in la xoojiyo taageerada milateri iyo tan dhaqaale ee Ukraine, isla markaasna la sii ballaariyo cunoqabateynta dhaqaale ee saaran Ruushka.

Sida ka muuqata go’aamada shirka, Yurub oo weli rabta dagaal aysan taagteeda iyo tabarteeda hayn waxaa haysata laba kala daran mid dooro. Ruushka isku dhiib oo Ukraine meel cidla ah uga dhaqaaq, ama Trump iyo Mareykan isku dhiib oo Yurub iyo Ukraine isla wada tuur. Labadaas waxa kaliya oo u dhexeeya, sida falaanqeeyayaasha siyaasaddu qabaan waa Yurub oo ku sii jirta ila meerayso iyo asbuuc walba shir kale oo degdeg ah.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com