Sidee ku ogaan kartaa in Soomaaliya ay tahay dowlad meel kale laga xukumo oo bilaa taageero bulsho ah, sida Midowga Yurub oo kale oo asna ah mid meel kale laga xukumo?
Meel kale ha fiirin ee fiiri Ukraine. Soomaaliya oo maanta ah dal meel kasta ka fashilmay oo mar kale qarka u saaran inuu burburo ayaa dalka Turkiga xiriir diblomaasiyadeed kula saxiixday dalka Ukraine oo asna ah dal kale oo qarka u saaran in uusanba sii jirin.
Haddaba maxaa keenay baa is leedahay in maanta Soomaaliya heshiis dibloomaasiyeed la saxiixato, oo haddana ballanqaado in ay Ukraine ka taageeri doonto dhanka dibloomaasiyadda? Ukraine oo awal ahaan jiray dalka lixaad ee adduunka dhanka dhoofinta qamadiga maanta asagaa gaajo qarka u saaran, meesha Ruushku yahay weli kaalinta koowaad. Mareykankii Yurub iyo Ukraine dagaalka galiyey baa hadda uga baxay, marka yaa khasbay Soomaaliya?
Meel kale ha fiirin oo waa MI6 iyo dawladda Ingiriiska. Waa siyaasiyiinta dhalashada Ingiriiska haysta oo xaasaskooda iyo carruurtoodu Ingiriiska deganyihiin. Waa siyaasiyiin lamid ah aan waxba ka duweyn Radosław Sikorski, Wasiirka Arrimaha Dibadda Poland. Haddii aadan aqoon hadda baar.
Ingiriisku ha ahaado dawlad wiiqantay dhan kasta, laakiin dhan aysan weli ka wiiqmin baa ah sirdoonka iyo in ay ku faanto in uusan adduunka ka jirin dal aysan madaxda sare wax ku lahayn.
RW Keir Starmer ayaa heshiis 100 sano la saxiixday Ukraine, sheegayna in uusan marnaba Ukraine meel uga hareyn, dagaalna diyaar u yahay. Haddaba Soomaaliya maxay Ukraine iyo Ingiriis diyaar ula tahay, maxaa se Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wasiir Cali Balcad ayana diyaar la yihiin?
> Daljir Media
COMMENTS