SILSIDA BUURAHA GOLIS: Kala Baro Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow

SILSIDA BUURAHA GOLIS: Kala Baro Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow

Bariga iyo waqooyiga Soomaaliya waxaa teedsan buuro, waxayna taxanyihiin cirifka Raas Caseyr ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed illaa iyo Laas Qoray, waxayna sii gaaraan Sheekh illaa iyo Harar.

Buuraha khawaariijta ajaaniibta ee ISIS ay saldhigyada waaweyn ka qoteen oo isku urursadeen waxaa la yiraahdaa Calmiskaad. Buuraha tirada badan ee Calmiskaad waxay teedsanyihiin bariga magaaalada Bosaso illaa iyo cirifka bari ee ay ku kulmaan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ee Badda Cas.

Buuraha Calmiskaad qaybaha Daacish saldhigyada ka samaysateen waa qaybta buuraha dhaadheer, qaarkoodna ay ka farcamaan togag waaweyn iyo keymahooda, sida Togga Jeceel oo ah aaggii maalmo kahor Ciidamada Difaaca Puntland ay ka saareen khawaarijta ISIS.

Buuraha Calmiskaad waxay caan ku yihiin geedka ‘Punt’ ee Puntland loogu magacdaray, waana geedka Maydiga iyo Beeyada. Dhulkaas waxaa kale oo uu hodan ku yahay togag iyo durduro biyuhu joogto yihiin oo xilliyada jiilaalka dadku u baxsadaan.

Buuraha Bosaso kaga beegan galbeedka illaa iyo Laas Qoray waxaa la yiraahdaa Calmadow. Calmadow waxaa galbeedka ka sii xiga Daalo, Shalco iyo Rakuuda, ayaga oo yara u sii leexda dhankaas iyo Sheekh illaa iyo Harar.

Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow waxay labaduba ka midyihiin silsiladda Buuraha Golis.

 

Markii uu dhamaado Hawlgalka Hillaac, qaybtiisa Calmiskaad, waxaa bilaabanaya hawlgalka Buuraha Calmadow.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com