Warar hordhac oo ay firdhiyeen sirdoonka Turkiga ayaa sheegaya in ay hayaan caddaymo ku filan, muujinaya in Jamaal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, oo waliba si xun loo dilay, deedna la jarjaray.
“Waxaan bullacadaha ka soo dareera qunsuliyadda Sacuudiga ka soo leexinay caddaymo la xiriira dilka Jamaal Khashoggi,” ayaa kamid ah wararka laga helayo sirdoonka. Waxa kale oo ay firdhiyeen warar ay kamidyihiin in ay hayaan maqal iyo muuqaal ku saabsan sidii Jamaal loo dilay.
Warbixinta Radio Daljir hoos kaga bogo.
Warbixinta oo muuqaal ah hoos ka daawo
COMMENTS