Siyaasi Xildhibaan Horre Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan qoddobadii kasoo baxay shirkii gollaha Iskaashiga Madaxda maamul goboleedyada ee Magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay iyo siddii ay uga falceliyeen shacabka Puntland .
Daahir Ciiro ayaa ku tilmaamay qoddobadii ay soo saareen Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya inuu ahaa dhaliil balse aysan ula jeedin dhibaato kale .
Madaxda dawladda dhexe ayuu sheegay inay leeyihiin dhaliilaha loo soo jeediyay sidoo kalena ay doonayaa inay sameeyaan kacdoon lagu doonayo in lagu bur buriyo Hannaanka federaalka ee dalku qaatay mar hore .
Shacabka Soomaaliyeed ayuu kula taliyay inay masuuliyadd iska saaraan danta guud iyagoo ka tagaya danta gaar ahaaneed .
Axmed Sheekeeye ayuu ugu warramay Garoowe.
COMMENTS