Xisbiga Wadajir oo kamid ah Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka kajira, hoggaamiyahana ka yahay Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Sahkuur ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray hawlaha maamul u dhisida Hir-Shabeelle oo dhawaan la filayo in uu galo doorasho diyaar garoowgeeda lagu jiro.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu baaqay in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha deegaanka inta aan maamulka la dhisin, iyadoo si simana looga qaybgeliyo beelaha iyo saamilayda siyaasadeed dhismaha maamulka iyo dib u heshiisiinta.
War-Saxaafadeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in walaac xoogan ka qabaan habka loo marayo maamul u dhisida Hir-Shabeelle, isla markaana aan dib loo soo celin qaabkii loo maray dhismihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle.
Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa ka digay in qaabka dhismaha maamulka Hir-Shabeelle loo maro qaab daneysi gaaban iyo sadbursi siyaasadeed oo u jeedkiisu yahay in lagu hanto kursiga xildhibaannada Hir-Shabeelle kasoo galaya Baarlamaanka Federaalka.
COMMENTS