Cabdirxamaan Cabdishakuur Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa gordhawyd ka hadlay weraar galabta dabley huubaysan ay ku qaadeen Hoteelka Elite ee magaaladda Muqdisho.
“Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Elite. Allaha u naxariisto dadkii ku nafwaayey, Allahana caafiyo intii ku dhaawacantay. Maalmahan danbe weerarrada iyo qaraxyada aAl-shabaab way sii kordhayaan. Way cadahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda. Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA” ayuu yiri CC Shakuur.
Qaraxii galabta ka dhacay aga-gaarka xeebta Liido ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 ruux halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 30 ruux.
Diwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS