Wasiirka Maaliyadda Isra, Bezalel Smotrich, oo ah hormuudka xagjirka raba in uu Falastiiniyiinta ka barakiciyo dhulkooda, ayaa maanta farriin kulul u diray dowladaha Carabta. Smotrich wuxuu u sheegay, “Haddii uu jiro dal Carab ah oo doonaya in ay nabad ku sii nagaadaan oo nabadda nooga badalanaya nabad, taasi waa hagaag. Laakiin Carabkii raba inuu dhiso dowlad Falastiiniyiin ah, iska iloow; taas kaa yeeli mayno, mana dhici doonto.”
illaa iyo hadda ma jirto dawlad Carab ah oo u jawaabtay smotrich, ama xataa horey ugu jawaabtay markii uu sheegay in Falastiiniyiintu aysan Qasa ku sii nagaan doonin.
Dalka kaliya ee Muslinka ee illaa iyo hadda garabistaagay Falastiiniyiinta waa Iran, laakiin ogow Iraaniyiintu ma aha Carab oo waa Faarsiyiin ama ‘Persians.’
Daljir Media


COMMENTS