Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay laba xubnood oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen falal qorshaysan loogu talo-galay inay ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Qoraal ay Hay’adda sirdoonka Soomaaliland ee NIA ku baahiyeen bartooda X (Twitter) ayaa u dhignaa sidan:-
“Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorame.
Laba ka mid ah xubnahaas waa la xidhay, halka lix kalena lagu dabo jiro.” ayaa lagu yiri qoraal ay baahiyeen sirdoonka Soomaliland .
COMMENTS