Ciidamada amniga Bosaso oo xabsiga dhigay Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo

Ciidamada amniga Bosaso oo xabsiga dhigay Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo

Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa maanta xabsiga dhigay Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo.

Waxa uu kamid ahaa  Nabadoono ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Bosaaso lagu dhaliilay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni.

Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo ayaa galabta laga soo qabtay guriga uu ka degan yahay magaalada Boosaaso oo ku dhawaa Hotel Bulsho.

Horey Booliiska Boosaaso, waxa ay xabsiga u dhigeen shan nabadoon iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ka qeyb galay kulan ka dhan ahaa xukuumadda Puntland.

Nabadoonada iyo siyaasiyiinta xabsiga loo taxaabay ayaa maalmo ka hor kulan ay ku qabteen magaalada Boosaaso waxa ay ku dhaliileen heshiiska ay dowladda lagashay  Shirkadda DP Word ee gacanta ku haysa dekadda magaalada Bosaso.

Waxaa jira Nabadoono iyo Siyaasiyiin  ku sugan gudaha magaalada Bosaaso oo ay ciidamadu baadigoob ugu jiraan.

 

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com