Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad ugu kordhay degaannada Soomaliland tirada dadka uu soo ridanayo iyo kuwa u dhimanaya xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.
Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen in11-kii maalmood ee ugu horreeyey bishan April la diiwan galiyey dhimashada 64 Qof oo u dhintay cudurka CVID-19.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.”Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ilaa haatan 64 qof, waxaana soo jeedinaya in bulshada guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha Ramadaan.
Somaliland ayaa horay u qaaday xayiraado iyo Go’aamo la xiriira ka hortagga COVID-19 oo ay soo saartay, waxaana haatan muuqata n uu cudurka kusii kordhaya, isla markaana Wasaaradda Caafimaadka Somaliland aysan qaadin wax tallaabo ah.
COMMENTS