Somaliland oo shaacisay kisaas cusub oo Covid-19 ah

Somaliland oo shaacisay kisaas cusub oo Covid-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacsisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Warka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Saddex Ruux oo Cusub Maanta laga helay Cudurka Coronavirus,kuwaas oo kala ah laba rag ah iyo hal Dumar ah.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan Gobolada ay Soomaaliland u taqaano Maroodijeex iyo Saaxil.

Dadka Cusub ee Maanta laga helay Cudurka COVID-19 ayaa waxaa ay ka dhigeysaa 43 Ruux halka dhimashada iyo bosashada ay kala yihiin min Shan Ruux.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com