Somaliland oo soo bandhigtay kisaas cusub oo COVID-19 ah

Somaliland oo soo bandhigtay kisaas cusub oo COVID-19 ah

Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 74
Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 kuba waa Somalilander. Bukaanadan 10 qof waa rag, 7 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 8 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(100jir ilaa 109jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 10 qof iyo Burco oo ah 7 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideetan (80)

Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 104 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Lix iyo Labatan (26).

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com